Xaaladdii ugu darneyd oo ka taagan Degmada Diinsoor

Wararka laga helayo Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in xaaladdii ugu darneyd ay ka taagan tahay degmadaasi, taasoo ka dhalatay go’doominta ay ku hayaan maleeshiyada Al Shabaab.

Maleeshiyada Al Shabaab oo shantii sano ee ugu dambeysay go’doominaayay degmadaasi ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay kordhiyay culeyska ka dhanka ah Diinsoor.

Wararka ayaa sheegaya in Shabaabku ku sugan yihiin dhammaan wadooyinka soo gala degmadaasi, taasoo meesha ka saartay inaanay imaan raashiinkii, sida qarsoodiga lagu keeni jiray.

Ka dib markii ay meesha ka baxeen gaadiidkii xamuulka ee ganacsiga keeni jiray Degmada Diinsoor ayaa waxaa jiray gaari dameero, si hoose u keeni jiray badeecadaha.

Goobaha ganacsiga ee Degmada Diinsoor ayaa intooda badan xirmay, waxaana furan goobo fara ku tiris ah, oo gabaabsi uu ku yahay raashiinka.

Cali Aadan Mursal oo ka mid ah bulshada deegaanka ayaa sheegay in degmada uu ka jiro sicir barar daran, isla-markaana uu gabaabsi ku yahay raashiinka iyo shidaalkaba.

Cali Aadan ayaa xusay haddii aan gurmad lala soo gaarin dadka reer Diinsoor amaba aan la furin wadooyinka xiran in mar dhow la maqli doono dad baa macquul ugu dhintay Diinsoor.

Cabdisalaan Xaaji Siidow, Gudoomiyaha Degmada Diinsoor ayaa maalmo ka hor Dowladda Somaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ugu baaqay in wax laga qabto xaaladda ka taagan degmadiisa.

Arbacadii ayay ahayd markii Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu amray in la bilaabo hawlgal lagu furaayo degmooyinka iyo deegaanada Koonfur Galbeed ee go’doonsan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com