Cosoble: Ra’iisul Wasaaraha si aad ula kulantid waa inaad bixisaa $300

Madaxweynihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali Cabdulaahi cosoble ayaa sheegay in Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha laga waydiistay dhaqaale si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Qoraal uu soo dhigay Boggiisa xiriirka bulshada ayaa Cosoble wuxuu ku sheegay isaga oo doonaya inuu la kulmo Ra’iisul Wasaaraha cusub shuruud looga dhigay lacagtaasi.

Waxa uu tilmaamay laba ka mid hab Maamuska Ra’iisul wasaaraha inay waydiisteen lacagaasti, balse waxa uu sheegay Ra’iisul Wasaaraha arrintaasi inuusan waxba kala socon.

“Raiisulwasaare Rooble wuxuu noqday raiisulwasaarihii ugu qaalisanaa ee soo mara Soomaaliya. Xafiiskiisa waxaa ka socota howl aan hubo inuusan war u heyn oo ah inaad laaluush bixiso si laguugu gudbiyo. Dacaayad igama aha oo si bareer ah ayaa aniga la ii weydiiyay. Laba ka mid ah kuwa protocolka u qaabilsan ayuu midba si gaar ah ii weydiyay inaan bixiyo lacag 300 dollar ah si la iigu sameeyo ballan official ah ayuu yiri” Cosoble.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in uu hubo in arrintaasi uusan Ra’iisul Wasaaraha ka warqabin, isla markaana uu yahay fal laga xumaado,waxaana uu sheegay in sida kaliya ee lagu ogeeysiin karo ay tahay Facebook.