Agaasimaha Madaxtooyada Maamulka Jubbaland Abshir Maxamed ayaa Maanta saacado kooban lagu xanibay Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, xili uu kusii jeeday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya sida wararka ay sheegayaan.
Masuulkaan ayaa wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isaga oo hawlo gaar ah u joogay, balse maanta uu isku dayay inuu ka baxo Magaalada Muqdisho.
Baasaboorka diblumaasiga ee uu watay Sarkaalkaan ayaa laga qaaday, waxaana la sheegay inuu la soo baxay Passport Ajnabi, balse loo diiday xittaa inuu ku baxo Passportkaasi.
Intii uu taagnaa Khilaafka Maamulka Jubbaland & dowladda Somaliya ayaa la sheegay Agaasimaha in lagu daray liiska dadka laga xanibay Garoonka Aadan Cadde inay ka dhoofaan.
Ugu dambeyn Muran ka dhashay xayiraada la saaray Agaasimaha Madaxtooyada Jubbaland ayaa waxaa soo fara-geliyay Wasiiro uu ku jiray Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad oo garoonka ku sugnaa iyo Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar, iyagoo la xiriiray Mas’uuliyiinta hey’adaha dowladda, si Agaasimaha loogu ogolaado safarkiisa, isagoo markii dambe la fasaxay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com