SAWIRRO: Guddoomiyaha Baarlamaanka K/Galbeed oo dib ugu laabtay Baydhabo

Wafdi uu hogaaminaayo Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Amb.Dr . Ali Said Faqi ayaa maanta dib ugu soo laabtey Magaalada Baydhabo ee xaruunta Gobolka Baay,

Guddoomiyaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Baydhabo ku soo dhaweyay Gudoomiye Kuxigeenka labaad ee Baarlamanka KG Marwo Shamso Maxamed yarrow ,wasiiro ,Xildhibaano ,qaar ka mid ah Agaasimiyaasha Koonfur Galbeed ,odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa muddooyinkaan dambe wuxuu ku sugnaa Magaalada Muqdisho oo uu kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Maxamed xuseen Rooble.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com