Wadooyinka Magaalada Muqdisho oo saaka qaarkood xiran

Ciidamada Dowladda ayaa saaka xiray wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood, iyadoo dadweynaha lagu khasbay inay markale lugeeyaan.

Ciidamada Booliska ayaa ku sugan wadooyinka halbowlaha u ah isu socodka Magaalada Muqdisho, iyagoona u diidaya inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha iyo kuwa kale ee gaarka loo leeyahay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in wadooyinka ay mari karaan oo keliya gaadiidka ay la socdaan Ciidamada & Masuuliyiinta Dowladda.

Dadweynaha ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa lagua arkayaa wadooyinka, iyagoo dhex lugeynaya, lug-na ku tagaya goobahooda shaqada.

Wax badan lagama oga ujeedada ka dambeysa hakadka la geliyay isu socodkii gaadiidka ee wadooyinka ku yaala Bartamaha Caasimadda Muqdisho, inkastoo sidaan oo kale loo xiro, kolka wafuud ku soo wajahan tahay magaalada.

Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir ayaan wax wara ka soo saarin xirnaanshaha wadooyinka qaarkood.

Reer Muqdisho ayaa dhib badan ku qaba, kolka Ciidamada Dowladda ay gaadiidka u diidaan inay adeegsadaan wadooyinka, xilli in badan oo wadooyinka ka mida horey loogu jaray dhegxaanta waaweyn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com