Xoogga Dalka oo furin ciidan ka dhigay xuduuda Kenya, ka dib hanjabaaddii Kenya

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhawaadeen afaafka hore xuduuda Degmada Beled Xaawo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Ciidanka Xoogga Dalka oo markii hore ka soo durugsanaa xuduuda ayaa waxaa la soo sheegaya in xalay ay ku siqeen, isuna dhiririyeen xadka labada degmo.

Taliyaha Ciidanka Xasilinta ee Gobolka Gedo, Bakaal Kooke ayaa horkacaya Ciidanka Xoogga Dalka, oo ay kaabayaan Kumaandooska Gorgor.

Tani ayaa jawaab u ah warqaddii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ay maalin ka hor soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, ee sheegeysay in Kenya jawaab ka bixin doonto, haddii markale Ciidamada Somaliya ay xiisad ka oogaan xuduuda labada dal.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Kenya ayay daba-yaaqadii bishii September is rasaaseyn ku dhex martay xuduuda, ka dib markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku soo furayn dadweyne dareenkooda muujinaayay, isla-markaana ka gilgishay dadkii Ciidanka Kenya ku dileen, kana qafaasheen deegaanka Yadoo ee duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, 23-kii bishii September.

Xiriirka labada dowladood in muddo ahba ma wanaagsanayn, waxaase uu sii xumaaday, ka dib doorashadii lagu murmay ee marka labaad dib loogu soo doortay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), 22-kii bishii August ee sanadkii 2019.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com