Ciidamada NISA oo hawlgalo ka wada Degmada Beled Xaawo

Ciidamada Nabad Suggida dowladda Federalka Somaliya ee Gobolka Gedo, gaar ahaan Degmada Beled xaawo ayaa hawlgalo ka wada Magaaladaasi.

Hawlgaladan oo ah kuwa ammaanka lagu sugaayo, ayaa Saraakiisha Ciidamada NISA, waxa ay sheegeen inay yihiin kuwa guud ahaan xaafadaha Degmada laga sameynaayo.

Saaka ayaa dadka reer Beled Xaawo waxa ay Bartamaha Magaalada ku arkeen Ciidamo ku jira roondo & hawlgal ammaanka ay ku sugayaan.

Taliyaha Ciidamada Nabadsugida ee Degmada Beled Xaawo Cabduqaadir Xuseen Ibraahim ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid looga hortagayay in Al-Shabaab falal amni daro ka geystaan  degamdaas.

Waxa uu sheegay shacabka Degmada Beled Xaawo inay leeyihiin laba cadow oo uusan sheegin magacyadooda, balse loo baahan yahay in lava hortago si aysan amniga qal qal u gelin.

Degmada Beled Xaawo, ayaa xilliyada qaar waxaa ka dhaca falal amnidaro oo ay gaystaan Ururka Al Shabaab.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com