Puntland oo xukun ku riday rag Shabaab lagu eedeeyay

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Maamulka Puntland ayaa xukun waxa ay ku riday Saddex ruux oo lagu eedeeyay Shabaabnimo.

Raggaan ayaa Bishii August ee sanadkii la soo dhaafay waxaa lagu qabtay Dagaal ka dhacay Buuraha Golis ee Gobolka Bari, gaar ahaan aaga Galgala sida maxkamadda laga sheegay.

Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Puntland Saciid Xirsi Ibraahim ayaa Maxkamadda ka dalbaday in saddex eedeysane lagu rido xukun dil toogasho ah, kadib markii deegaanada Puntland u tageen dhibaateynta shacabka.

Maxkamada darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ayaa laba ka mid ah ragaas oo lagu kala magacaabo Ismaaciil Cabdullaahi Ibraahim iyo Xasan Kuulow Ibraahim ku riday xukun ah xabsi daa’in.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Cabdiraxmaan Ciise Xuseen oo fadhiga soo xiray ayaa  amray in Ninka saddexaad oo lagu magacaabao Maxamed Ibraahim Isaaq lagu wareejiyo Wasaaradda Caddaaladda iyo Dhaqancinta Puntland, iyadoo sheegtay inay u cuskatay qaangaar la’aan.