Khayre oo Nairobi kula kulmay Xildhibaanada Somalida ee Kenya ka tirsan

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay Xildhibaanada Soomaaliyeed ee ku jira Baarlamaanka dalka.

Khayre ayaa ololihiisa doorashada ka bilaabay Magaalada Nairobi ee Caasimadda Kenya oo inta badan ay ku sugan yihiin dhammaan Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

“Waxaa sharaf ii ah inaan maanta kulan wadatashi ah la yeeshay xildhibaannada iyo sanatarada Soomaaliyeed ee dalka Kenya” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Waxaan uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay dadka Soomaaliyeed had iyo jeer u garab taagan yihiin”

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in uu Horay wadatashiyo dhaxal gal ah la yeeshay madaxwaynaha Dowladda walaalaha nahay ee Djibouti oo qeyb wayn ka qaatay welina u taagan dib-u-dhiska dowladnimadeenna.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com