Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa magacaabay Gudoomiye-yaasha Maxkamadaha Rafcaanka iyo Maxkamadaha Gobolada Galgaduud & Mudug iyo Kuxigeenada Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa wareegto uu soo saaray ku soo magacaabay xubnahan.

Xubnaha la magacaabay ayaa kala ah:-
1: Siciid Cabdiraxmaan Shiikh, Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobalka Galgaduud
2- Maxamed Cabdi Kadiye: Gudoomiyaha Maxkamadda ee Gobolka Galgaduud.
3: Jimcaale Cali Salaad, Gudoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Mudug
4: Cabdirisaaq Cali Yusuf, Gudoomiyaha Maxkamadda ee Gobolka Mudug.
5: Cabdixakiin Maxamed Xirsi : Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Galmudug.
Madaxweyne Qoorqoor ayaa magacaabay xubnahan, ka dib markii uu garowsaday baahida deg-degga ah ee loo qabo dhisidda Hay’adda Garsoorka Galmudug, isla-markaana tixgeliyay aqoonta iyo waayo-aragnimada xubnuhu u leeyihiin arrimaha Garsoorka, sida wareegtada lagu sheegay.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com