Madaxweyne Trump oo ku soo laabtay fagaareyaasha (SAWIRRO)

Donald Trump, Madaxweynaha Mareykanka ayaa xalay bilaabay inuu dib ugu soo laabto fagaareyaasha, ka dib markii horaantii bishan laga helay xanuunsidaha COVID-19, ee Coronavirus uu keeno.

Madaxweynaha ayaa mid ka mida afarta olole ee la qorsheeyay afarta maalmood ee ina soo socota inay ka dhacaan gobolada leesku hayo waxa uu ka sameeyay Magaalada Sanford ee Gobolka Florida.

Dadweyne fara badan ayaa ka qaybgalay isu soo bixiisaan, iyadoo dadkii goobtaasi ku sugnaa uu u sheegay in hadda uu dhunkan karo qof kastoo halkaasi joogga, maadaama uu ka bogsaday xanuunka, sida uu yiri.

Sida uu sheegay Madaxweynaha hadda wax saamayn ahi kuma lahan xanuunka dilaaga ah ee COVID-19, isla-markaana uu awood u leedahay inuu ololihiisa sii wado.

Madaxweyne Trump oo aan xirnayn maaska afka iyo sanka lagu daboosho ayaa diiday in dalka lagu soo roggo xayiraadaha lagu xakameynayo COVID-19, xilli xanuunka uu ku soo laba kacleeyay dalkaasi. Siyaasiyiinta Xisbiga Dimoqraadiga ayuu ku eedeeyay inay gadaal ka riixayaan in xayiradahaasi la soo roggo.

Sheekada layaabka leh ayaa ah in dadkii ka qaybgalay isu soo baxaasi aanay wadan maaska difaaca, taasoo suurtagal ka dhigeysa in xanuunka uu sii fido.

Trump ayaa loolan xoogan kala kulmaya Musharaxa Xisbiga Dimoqraadiga, Joe Biden, kaasoo la aaminsan yahay inuu ka horeeyo Trump, sida ku cad xog uruurin la sameeyay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Trump iyo Biden ayaa foodda is dari doono doorashada 3-da bisha soo socota ee November lagu wado inay dalkaasi ka dhacdo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com