Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo xukun dil ku riday nin ka tirsan Shabaab (SAWIRRO)

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qaybta Jubbaland oo maalmahan waday dhageysiga dacwadda loo haysto Deeqow Caliyow Kuusow oo 19 jir ah kana mid ah Al-shabaabkii weerarka ku qaaday Hotelka Cas-casey ee magaalada Kismaayo 12 kii July sanadkii hore, ayaa maanta xukun ku riday dhagar qabaha.

Dhageysiga kiisaskaan oo soo maray heerar kala duwan ayaa ugu dambeyn maanta maxkamadda ay soo saartay go’aanka saxda ah.

Maxkamadda ayaa xukun dil toogasho ah ku riday ninkaan magaciisa afgarashadu yahay Muhaajir sida uu ku dhawaaqay Bashiir Maxamuud Xareed garsooraha 1aad ee maxkamadda.

Weerarkii Hotel Cascasey ee Magaalada Kismaayo waxaa ku dhintay dad badan oo ay ka mid ahaayeen Hodan Naleye & Saygeeda oo Hotelka ku sugnaa xilliga weerarka dhacaayay.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxaana ay sheegeen in halkaasi ay ku dileen ku dhawaad 20 ruux.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com