Munaasabad dib loogu furaayo wadooyinka oo ka socoto Muqdisho

Taliska Ciidanka Booliska Somaliya ayaa soo qaban qaabiyay munaasabad qorshaheeda uu yahay dib u furista wadooyinka Magaalada Muqdisho, taasi oo hadda socota.

Munaasabadda ayaa waxa ay ka socotaa Isbitaalkii hore ee Deva ee ku yaallo nawaaxiga isgoyska Tarabuunka, halkaasi oo madax ka tirsan dowladda ay ku sugan yihiin.

Ra’iisul Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & madax kale ayaa ka qaybgaleysa munaasabadda oo hadda socota, laguna shaacin doono wadooyinka inay furan yihiin.

Ciidamadii ku sugnaa Koontaroolada Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Koontarooladii gaadiidka laga celin jiray ayaa waxaa la geeyay Wadada Warshadaha, halkaasi oo dhagxaanta lagu xiray.

Saddex sano & Bar kadib dadka reer Muqdisho ayaa si caadi ah u mari doona koontaroolada Magaalada, waxaana ay isaga kala gudbi doonaan wadooyinka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com