Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in saqdii dhexe ee xalay dib loo furay isgoysyada Magaalada Muqdisho qaarkood, ka dib markii laga qaaday dhegxaantii waaweyneyd ee tiilay.
Ciidamada Dowladda ayaa isgoysyada Tarabuunka, K.P.P, Bakaaraha, Filorenza, Siinaay, Sanca, Jardiinka iyo kuwo kale ka qaaday dhegxaanta waaweyn, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in saaka ay ku waa-bariisteen dhegxaantii oo laga qaaday isgoysyadaasi, isu socodkuna uu ku soo noqonaayo mid caadiya.
Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya in isgoysyada dhegxaanta laga qaaday ay muhiim u yihiin in gaadiidku isugu kala gudbaan jidka Wadnaha iyo wadada Maka Al Mukarama.

Dhanka kale dhegxaantii xalay laga qaaday isgoysyadaasi ayaa waxaa qaarkood la geeyay wadada Warshadaha, iyadoo saaka lagu arkay dhegxaantaasi isgoyska Ifka Xalane, gaar ahaan wadada hormarta Garoonka Kubadda Cagta ee Stadium Muqdisho, isla-markaana uu sii socon doono qorshaha dhegxaanta lagu dhigayo jidka Warshadaha.
Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa toddobaadkii hore sheegay in dhegxaanta laga qaadi doono wadooyinka ku yaala bartamaha magaalada, ee muhiimka u ah isu socodka gaadiidka.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com