Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo mushaar joojin lagu sameeyay

Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ayaa laga joojiyay mushaarkii uu qaadanayay iyo ka qaybgalka fadhiyada golaha.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Maxamed Nuur Gacal ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay in Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow laga joojiyay mushaarkii uu qaadanaayay iyo ka qayabgalka fadhiyada Kalfadhiga 2aad ee Baarlamaanka, oo dhawaan ka furmay Magaaalda Dhuusamareeb.

Gudoomiyaha ayaa Xildhibaan Calasow waxa uu ku eedeeyay in uu caqabad ku yahay habsami u socodka fadhiyada Baarlamaanka iyo inuu ka gaabiyay waajibaadkiisa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com