Askari ka tirsan Ciidamada dowladda oo wiil Mootoole ahaa ku dilay Muqdisho

Askari ka tirsan ciidamada dowladda Federalka Somaliya, ayaa wiil dhalinyaro Mootaale ahaa wuxuu ku dilay Muqdisho.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay isgoyska Excontrol Muqdisho, kadib markii muran uu soo kala dhexgalay Askariga & Marxuumka la dilay.

Wiilka la dilay ayaa wuxuu ku shaqeysanaayay Mootada laba lugood leh ee Fekonta, waxaana uu ka dhex shaqeyn jiray Muqdisho & Afgooye.

Askarigii gaystay falka dilka ayaa ka baxsaday goobta, waxaana markii dambe maydka Marxuumka meesha ka qaaday Dad shacab oo geeyay Isbitaal Madiino.

Ciidamada dowladda ayaa si macno la’aan ah dadka isaga dhex dila Muqdisho, iyaga oo u adeegsada dilalkaasi hubka dowladda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com