Dowladda oo Ciidamo hor leh gaysay Gobolka Gedo

Wararka laga helaayo Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya ayaa sheegaya in dowladda Federalka Ciidamo hor leh ay gaysay Gobolkaasi.

Ciidankaan oo ka tirsan Guutada Gorgor ee Xoogga dalka Somaliya, ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa illaa 100 Askari, kuwaasi oo laga dejiyay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka ayaa laga soo xigtay in ciidamadan oo maanta la geeyay, shalay ay ka horeysay diyaarad siday saanad Militari.

Lama oga sababta dowladda Somaliya Ciidamo dheeri ah ugu sii daldaleyso Gobolka gedo, xilli Madaxweynaha Jubbaland uu dalbaday in ciidamada dowladda laga saaro Gobolka Gedo.

Dowladda Somaliya ayaa Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo waxa ay kula wareegtay awood Ciidan, kadib markii laga saaray Ciidankii Jubbaland oo dagaal looga qabsaday.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com