Cali Guudlaawe iyo sida loogu soo dhaweeyay Jowhar (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweyne Kuxigeenka Maamulka Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Jowhar.

Wafdiga Madaxweyne Kuxigeenka oo ka tagay Magaalada Muqdisho ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha Maxamed Dheere ee Magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Sheekh Cismaan Barre Maxamed iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka, Canab Axmed Ciise ayaa ugu sareeyay xubnihii ku soo dhaweeyay Garoonka Maxamed Dheere.

Wafdiga ballaaran ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Kuxigeenka Hirshabelle ayaa isugu jiray masuuliyiin ka tirsan Labada Gole ee Maamulka iyo masuuliyiin hore, oo uu ka mid yahay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan, Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf Dabageed).

Cali Guudlaawe ayaa muddooyinkii ugu dambeysay waxa uu ku sugnaa Magaalada Muqdisho, isagoona ka waday ololihiisa ku aadan Madaxtinimada Hirshabelle. Guudlaawe waa musharaxa ugu cadcad ee xilka Madaxtinimada Hirshabelle.

Guudlaawe oo ugu dambeen Warbaahinta kula hadlay Magaalada Jowhar ayaa ka mahadceliyay sida weyn ee wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Xarunta Maamulka Hirshabelle, isagoo intaa ku daray in Hirshabelle ay gashay doorasho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com