Ciidamo ka tirsan Galmudug oo gadood sameeyay, kana baxay Dhuusamareeb

Ciidamo ka tirsan kuwa Daraawiishta Dowlad goboleedka Galmudug oo xalay ka gadooday xero ay ku jireen oo ku taalla Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay Maanta gaareen Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Ciidamadaan oo sida la sheegay wata Shan Gaari oo kuwa dagaalka ah ayaa waxaa la sheegay in uu gadoodkooda salka ku haayo khilaaf u dhaxeeya Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi & Xildhibaanada laga soo doorto Magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ka gadooday xero ay ku sugnaayeen oo ku taalal magaalada dhuusamareeb ayaa waxaa ay kamid ahaayeen maleeshiyo Beeleedyadii horay ugu sugnaa Magaalada Gaalkacyo, balse Wasaaradda Amniga Galmudug ay tababartay, iyaga oo noqday dufcadii ugu horeysay ee Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Wararka laga helayo Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan inay halkaasi ku wajahan yihiin Xildhibaan Yoonis Shaare oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug iyo Qar kamid ah Odayaal Dhaqameedyada gobolka Mudug si arrintaasi xal looga gaaro.

Tallaabadan ciidamada ay ku gadoodeen ayaa Galmudug waxa ay ku noqonaysaa dhabar jab wayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com