Ciidanka Danab oo caawa lagu weeraray duleedka Afgooye

Wararka ka imaanaya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in caawa duleedkeeda lagu weeraray kolonyo ay la socdeen Ciidanka Kumaandooska Danab.

Kolonyada Ciidanka Danab ayaa lagu weeraray deegaanka Haanta ee bannaanka Degmada Afgooye, waana meel ku dhow deegaanka Buulalow, oo gelinkii dambe ee shalay lagu weeraray gawaari ay wateen Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaad kulul uu caawa labada dhinac ku dhex maray deegaankaasi, iyadoona mintidiinta Al Shabaab kolkii dambe lagu khasbay inay dib u gurtaan.

Waxaa jira khasaaro dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo dagaalka ka dhashay, inkastoo ay adag tahay in macluumaad badan laga helo inta uu khasaaruhu gaarsiisan yahay, sababo ku aadan xilliga oo habeen ah iyo dhinacyadaasi, oo aan weli ka hadlin.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidanka Danab ay goor dambe ka ruqaansadeen deegaankaasi, iyagoona gaaray Garoonka Balli-doogle ee duleedka Degmada Wanlaweyn, halkaasoo ay kula hawlgalaan Ciidamada Mareykanka ee dalka ku sugan.

Tan iyo markii maleeshiyada Al Shabaab laga saaray deegaanka Basra, horaantii bishan ayaa waxaa soo badanayay weerarada ay soo qaadayaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com