Qarax Khasaare ka soo gaaray dad shacab oo ka dhacay Shabellaha Dhexe

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Miirtuugo oo ka tirsan Gobolka Shabellaha dhexe, waxaa halkaasi ka dhacay Qarax dad shacab Khasaare u gaystay.

Qaraxan oo ahaa miinada nooc dhulka lagu aaso, ayaa wuxuu qabsaday Mooto ay saarnaayeen dad shacab ah oo wadada mareysay.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheeegay in ay maqleen jugta qaraxa oo ahayd mid xooggan, isla markaana laga maqlayay degaanada ku teedsan halka uu qaraxu ka dhacay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaas ku dhimatay laba ruux oo shacab ah, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex kale, kuwaas oo loola cararay goobaha caafimaadka.

Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa tiro dhowr jeer ah waxaa ka dhacay Qaraxyo kala duwan, waxaana inta badan ku waxyeelooba dadka shacabka ah ee ku dhaqan Gobolkaasi, walina saraakiisha Ammaanka Gobolka Shabeellaha dhexe wax war ah kama soo saarin qaraxaas maanta lagu laayay dadka shacabka, sidoo kale ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxa.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com