Qoorqoor oo xariga ka jaray Jaamacadda Ceynul-Hayat, Guriceel (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa gelinkii dambe ee maanta gaaray Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Wafdiga Madaxweynaha Galmudug oo safar dhinaca dhulka ku tagay Magaalada Guriceel ayaa waxaa ku soo dhaweeyay Maamulka Degmada, Saraakiisha Ciidamada iyo dadka deegaanka.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Guriceel kaga qaybgalay munaasabad uu xariga uga jaray Jaamacad cusub, oo loogu magac-daray Ceynul-Hayat.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay furitaanka Jaamacadda Ceynul-Hayat ayaa sheegay inay muhiimad weyn u leedahay horumarinta tacliinta sare ee Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor waxaa safarkan ku wehlinayay xubno ka tirsan Labada Gole ee Maamulka Galmudug iyo masuuliyiin kale.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com