Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo gaaray Gobolka Gedo

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Somaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raagge, ayaa gaaray deegaano ka tirsan Gobolka Gedo ee Koonfurta Somaliya.

Taliyaha ayaa ka degay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka & Maamulka Gobolka Gedo.

Wafdiga Taliyaha waxaa ka mid ah Taliyaha Qeybta 43-aad ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Bogmadoow iyo Taliyaha Guutada 12-aad ciidanka xoogga dalka Jeneraal Sanka.

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ayaa xalay ku hooyday xuduuda Somaliya & Kenya, waxaana uu u kuur galaayay Xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada.

Maanta ayaa la filayaa inuu booqdo Taliyaha deegaano & Degmooyin ka tirsan Gobolka Gedo oo ciidamada Xoogga dalka ay ku sugan yihiin.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com