Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kormeeray xuduuda Beled Xaawo

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General Odawaa Yuusuf Raage ayaa Khamiistii kormeeray Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan xuduuda Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo la wadaagto Degmada Mandhera ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Saraakiil uu horkacayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa Arbacadii gaaray Degmada Doolow ee Gobolka Gedo, halkaasoo ay saacado ka dib uga soo gudbeen dhinaca Degmada Beled Xaawo.

Taliyaha ayaa xilligan kormeer ugu tagay Ciidanka Xoogga Dalka ee jiidda hore ee xuduuda ku sugan, si uu u soo qiimeeyo xaaladda ciidanka, una boggaadiyo shaqada uu qaranka u igmaday.

Ciidanka Xoogga Dalka oo markii hore ka soo durugsanaa xuduuda ayaa Axadii ku siqay, isuna dhiririyay xadka labada degmo, ka dib hanjabaaddii ka soo yeertay Kenya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya ayaa Jimcihii hore warqad soo gaarsiisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliya, taa oo sheegeysay in Kenya jawaab ka bixin doonto, haddii markale Ciidamada Somaliya ay xiisad ka ooggaan xuduuda labada dal.

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Kenya ayay daba-yaaqadii bishii September is rasaaseyn ku dhex martay xuduuda, ka dib markii Ciidanka Kenya ay rasaas ku soo furayn dadweyne dareenkooda muujinaayay, isla-markaana ka gilgishay dadkii Ciidanka Kenya ku dileen, kana qafaasheen deegaanka Yadoo ee duleedka Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, 23-kii bishii September.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee xilligan ka jira xuduuda labada dal ayaa ku soo aadaya, iyadoo in muddo ahba uu xumaa xiriirka labada dowladood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com