Macalin ardaydiisa tusay sawir gacmeed ku saabsan Nebiga oo lagu dilay Paris

Nin ku hubeysnaa toorey ayaa gelinkii dambe ee Jimcihii waxa uu Magaalada Paris ee Caasimadda Faransiiska ku dilay macalin iskuul, ka dib markii uu ardaydiisa tusay sawir gacmeedyo ku saabsan Nebi Muxamed (NNKH).

Dilka ayaa ka dhacay xaafadda √Čragny-sur-Oise ee Waqooyi Galbeed Magaalada Paris, sida uu sheegay Xafiiska Xeer Ilaalinta.

Ninka looga shakisan yahay inuu dilka gaystay ayaa waxaa toogtay Ciidamada Booliska, wax yar uun ka dib markii uu weerarku dhacay.

Hawlgalo ay Ciidamada Booliska ka sameeyeen Magaalada Paris waxay ku soo qab qabteen afar qof, oo xiriir dhow la lahaa ninka dilka gaystay.

Sida laga soo xigtay Booliska Paris waxaa ninka macalinka ah loo dilay, isagoo ardaydiisa tusay sawir gacmeedyo ku saabsan Nebi Muxamed (NNKH).

Warbaahinta Faransiiska ayaa ku warantay in waalidiinta ardayda Muslimiinta ee wax-ka-barata iskuulkaasi ka cawdeen ninka macalinka ah.

Emmanuel Macron, Madaxweynaha Faransiiska ayaa tallaabada lagu dilay macalinkaasi waxa uu ku sheegay weerar argagixiso.

Weerarkan ayaa noqday mid aad looga hadalhayo dalka Faransiiska.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com