Mareykanka oo $275 milyan ku bixiyay gargaarka bani’aadanimo ee Somaliya

Safaaradda Mareykanka ee Somaliya ayaa sheegtay in Xukuumadda Washington ay sanadkan 275 milyan oo dollar ku bixisay u gargaaridda dadka Soomaaliyeed.

Gargaarkan bani’aadanimo oo ay fulisay Hay’adda USAID oo dalkaasi laga leeyahay ayaa lacagtii gargaarka loogu talagalay ku soo iibisay raashiin iyo agabka wax lagu cuno.

Dadka Soomaaliyeed ee gurmadka bani’aadanimo la fidiyay ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo aad ugu baahnaa gargaarkaasi.

Somaliya ayaa waxaa billihii la soo dhaafay ka jirtay xaalad adag, taasoo sida la sheegay ka dhalatay arrimo isbiirsaday, oo ay ugu horeeyaan fatahaadaha, ayaxa iyo xanuunsidaha COVID-19.

Qaramada Midoobey ayaa billihii hore ee sanadkan sheegtay in dhawr milyan oo Soomaali ahi ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo oo deg deg ah, si looga hortaggo macluul ka dilaacda dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com