Puntland oo xukun dil ku fulisay nin Hooyadiis dilay

Maamulka Puntland ayaa maanta oo sabti ah waxa ay xukun dil ah ku fuliyeen nin ku eedeysnaa inuu horay u dilay hooyadiis.

Maxkamada sare ee maamulka Puntland ayaa maanta xukunka dilka ah ku fulisay Faarax Cabdi Caagane oo ahaa ninka ku eedeysnaa dilka hooyadiis.

Maxkamada ayaa ku eedeysay in uu  3 bil ka hor Hooyadii Xaawo Jaamac Cabdulle ku dilay Deegaanka Jalam ee Gobolka Nuugaal Puntland.

Xukunka qisaasta waxaa fuliyay walaalkiis oo joogay madasha falka toogashada ah ay ka dhaceysay ee Magaalada Garowe.

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland ayaa sheegay cadeymo & marqaatiyaal markii la helay, kadib inuu cadaaday falkaan dilka ah ee uu gaystay Faarax Cabdi Caagane oo 42 jir ahaa, isagiina ugu dambeyn la dilay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com