Wariye C/laahi Kulmiye oo loo xiray wareysi uu la yeeshay Abuukar Cumar Caddaan

Ciidanka Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA) ayaa xalay Magaalada Muqdisho ku xiray Wariye Cabdullaahi Kulmiye Caddow, oo ka hawlgala Radio Kulmiye.

Xariga Wariyaha ayaa ka dambeeyay, ka dib markii uu wareysi xasaasi ah la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan, oo ka mid ah ganacsatada Gobolka Banaadir.

Sida laga soo xigtay laamaha ammaanka ee Dowladda Federaalka waxaa Wariyaha loo haystaa inuu faafiyay war liddi ku ah amniga dalka.

Ciidanka NISA ayaa sidoo kale habeen hore Xaaji Abuukar Cumar Caddaan ku xiray Magaalada Muqdisho, iyadoona saacado ka dib loo wareejiyay xabsi guri, ay ku ilaalinayaan ciidan gaar ah.

Wareysiga Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo horudhaciisa la sii daayay Sabtidii ayuu ku sheegay inuu taageersan yahay dagaalka Al Shabaab, isla-markaana uu doonayo in la laayo shisheeyaha degan Xarunta Xalane.

Xaaji Caddaan oo 80 jir ah ayaa ka mid ahaa ganacsatadii taageertay Midowgii Maxkamadaha Islaamiga, ee bilowgii sanadkii 2006 la wareegay inta badan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com