Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug.
Madaxweynaha Galmudug ayaa wareegto ka soo baxday xafiiskiisa waxa uu Cismaan Macalin Xasan ugu magacaabay inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Galmudug.

Wareegtada ayaa lagu yiri “Cismaan Macalin ayaa ah aqoonyahan xirfad dheer u leh Arrimaha Maamulka & Horumarinta Dhaqaalaha. Isagoona ka soo shaqeeyay dal iyo dibadba. Wuxuu ka mid ahaa aqoonyahankii Soomaliyeed ee dadaalka mugga leh ku baxshay soo kabashada waxbarashada hoose iyo midda sare ee dalka. Isagoona sanadihii dambe ahaa Gudoomiyaha Jaamacadda Caalamiga Somaliya (SIU).”
Sida wareegtada lagu sheegay magacaabistan ayaa loo baahday, ka dib markii uu Madaxweynuhu garowsaday baahida degdegga ah ee loo qabo dardargelinta hawlaha hortabinta leh, isla-markaana tixgeliyay kartida, aqoonta iyo waayo aragnimada masuulkan u leeyahay Arrimaha Maamulka & Maareynta.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com