Dil maanta ka dhex dhacay guriga Taliyaha Booliska Somaliya

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil maanta ka dhacay Guriga Taliyaha Booliska Somaliya Cabdi Maxamed Xasan Xijaar.

Dilka ayaa waxaa loo gaystay Askari ka tirsanaa Ciidamada illaalada Taliyaha, waxaana dilka gaystay Askari kale oo ka tirsanaa isla ciidamada illaalada Taliyaha Booliska.

Askariga dilka loo geystay waxaa magaciisa lagu sheegay Aadan Ibraahim Shamiindo, waxaana meesha ka baxsaday Askarigii gaystay falka dilka ah.

Labada Askari ayaa waxaa soo kala dhex galay muran, mid ka mid Askarta ayaa ku hormaray rasaasta oo madaxa kaga dhuftay marxuumka dhintay.

Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliya kama uusan hadlin falkaan dilka ah ee maanta ka dhex dhacay guriga Magaalada Muqdisho uu ka degan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com