Fanaanadii Qaran Saynab Xaaji Cali Baxsan oo Muqdisho ku geeriyootay

Alle ha u naxariistee waxaa galabta Muqdisho ku geeriyootay fanaanadii Qaranka Saynab Xaaji Cali Baxsan oo ka mid ahayd fanaaniinta Soomaaliyeed ee mudada dheer caanka ah, sida ay inoo xaqiijiyeen ehelkeeda.

Saynab waxay heesaysay 1964-tii ka hor, waxaana ay caan noqotay markii ay ku biirtay kooxdii xoogga dalka, waxaana riwaayaddii ugu horraysay ee ay wax ka jisho ay ahayd Alla aamin ma iisho, taas oo uu alifay Abwaan Axmed Saleemaan Bidde.

Waxay ka mid ahayd fanaaniintii lagu aas aasay Hobollada Waaberi, waxaana ay wax ka jishay riwaayado badan, iyadoo qaaday heeso badan oo Jacayl ah, sida “reerkiina Hodankaa” oo ay Xasan Aadan Samatar wada qaadaan, “Geeri doortee maanta aan go’o, iyo heesa kale oo jacayl ah, halka kuwa wadaniga ahna ay ka mid ahaayeen “Geeshkayagow Guulaysta” Galladaan sugaynay iyo kuwa kale.

Ugu dambeyn marxuumada ayaa galabta waxa ay ku geeriyootay Magaalada Muqdisho, waxaana geerideeda ka tacsiyadeeyay qaar ka tirsan madaxda dalka.