Allaha u naxariistee marxuumad Saynab Xaaji Cali Baxsan ayaa waxaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho.
Saynab Xaaji Cali Baxsan oo xubin fir fircoon ka ahayd Hoboladii Fannaaniinta Qaranka ee Waaberi ayaa shalay ku geeriyooday Magaalada Muqdisho, ka dib in muddo ah oo ay ku xanuunsaneysay.
Madaxweynaha Qaranka, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Guddoonka Golaha Shacabka iyo Gudoomiyaha Golaha Banaadir ayaa ka wada tacsiyadeeyay geerida ku timid fannaanadda.

Aaska marxuumad Saynad Xaaji Cali Baxsan ayaa waxaa ka qaybgelaya Golaha Abwaanada Soomaaliyeed, fannaaniin iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka.
Allaha u naxariistee Saynab Xaaji Cali Baxsan ayaa saaxada fanka ku soo biirtay horaantii 1964-kii, waxayna ka mid ahayd hablihii ugu horeeyay ee ka soo dhex muuqda fanka Soomaalida.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com