Dagaal caawa ka socdo Magaalada Cadaado

Wararka ka imaanaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in caawa uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidanka NISA iyo maleeshiyaad qaab beeleed u abaabulan.

Ma cadda waxa dhabta ahi ee dhaliyay dagaalkan, balse dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in dagaalka la’isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa saamayn ku yeeshay isu socodkii dadka iyo gaadiidka, sidoo kalana waxaa xirmay goobihii ganacsiga ee magaalada qaarkood.

Inta badan Magaalada Cadaado ayaa laga dareemay dagaalka caawa ka soconaya, iyadoo maleeshiyada ay la dagaalamayaan Ciidanka NISA ay yihiin kuwo aad u hubeysan.

Dhanka kale waxaa soconaya dadaalo lagu doonayo in labada dhinac lagu kala dhex galo, laguna qaboojiyo xiisadda ku soo korortay magaalada.

Xafiiska Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Odayaasha Dhaqanka ee reer Cadaado ka codsaday inay arrintan gacan ka gaystaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com