Haweenka barakacayaasha ee Baydhabo oo sameeyay af saab (SAWIRRO)

Hay’adda Socdaalka Caalamiga (IOM) ayaa sheegtay in haweenka ku nool xeryaha barakacayaasha ee Magaalada Baydhabo ay sameeyeen maaska afka iyo sanka lagu daboosho.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dumarka ay soo saareen af saab fara-badan, si looga gaashaanto xanuunsidaha COVID-19 ee Coronavirus uu keeno.

Hay’adda ayaa sheegtay in haweenkan ay ka caawisay dhinaca farsamada iyo dharka laga sameeyo af saabka, taasina ay u sahashay inay soo saaraan in ka badan shan kun oo xabo oo af saab ah (5,000).

Af xirashada ay sameeyeen haweenka ku nool xeryahan barakacayaasha ayaa qaarkood loo qaybiyay dadka barakacayaasha ee xeryahaasi degan, halka qaarka kalana loogu iib geeyay suuqyada.

Tani ayaa lagu sheegay mid lagu dhiiragelinayo farsamada gacanta, si haweenka ugu sahlanaato inay noloshoodu maareeyaan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com