Kooxo hubaysan oo dil ka gaystay Magaalada Garowe

Dabley hubaysan ayaa xalay Magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland waxa ay ka gaysteen dil.

Wararka waxa ay sheegayaan dableyda hubaysan inay toogteen Sarkaal ka tirsanaa Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamulka Puntland.

Ragga hubeysan ayaa la sheegay in isaga oo marayay Hooygiisa agtiisa ay toogteen Garyaqaan Maxamed Maxamuud Cabdi Jaamuus oo ka tirsanaa Maxkamadda Ciidamada Puntland, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday.

Meesha dilka uu ka dhacay waxaa gaaray Ciidamada Booliska Puntland oo hawlgal halkaasi ka sameeyay, balse ma jirin cid ay gacanta ku soo dhigeen Ciidamada.

Maydka Marxuumka ayaa meesha laga qaaday waxaana la geeyay Isbitaalka Magaalada Garowe.

Garowe ayaa ka mid Magaalooyinka ammaankooda ui fiican yahay marka la fiiriyo deeganada kale ee Somalida.