Booliska Magaalada Cadaado ayaa maanta soo bandhigay nin dhalinyaro ah, oo ku eedeysan inuu kufsi ka gaystay Magaalada Gaalkacyo.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Axmed Xusen Cabdi ayaa ka soo baxsaday Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, oo sida la sheegay uu kufsiga ka gaystay.
Booliska Cadaado ayay u suurtagashay inay gacanta ku dhigaan eedeysanaha, ka dib iskaashi iyo wada shaqayn dhex martay Booliska Gaalkacyo.
Labo Xidigle Cali Maxamed Xasan, Taliyaha Saldhiga Booliska Cadaado ayaa sheegay in ninkaasi loo haysto inuu gabar ku kufsaday Waqooyiga Gaalkacyo, oo Puntland ay ka arrimiso.
Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlay Saldhiga Booliska Cadaado ayaa xaqiijiyay in eedeysanaha ay dib ugu celinayaan Magaalada Gaalkacyo.

16-kii bishii September ayay ahayd markii Magaalada Cadaado lagu qabtay nin dhalinyaro ah, oo lagu magacaabo Maxamed Ibraahim Cismaan, loona haysto kufsi iyo dil la sheegay in Magaalada Muqdisho loogu gaystay gabar dhalinyaro ahayd oo lagu magacaabi jiray Xamdi Maxamed Faarax.
Xamdi Maxamed Faarax ayaa u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray dhisme ku yaala Degmada Waaberi, oo laga soo tuuray 11-kii bishii hore ee September.
Guud ahaan dalka Somaliya ayaa waxaa si weyn ugu soo badanaya falalka kufsiga, waxaadna sanadkan mooddaa in xaalka kufsiga uu ka duwan yahay sanadihii hore.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com