Qarax xoogan oo caawa ka dhacay Magaalada Baydhabo

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in caawa uu qarax xoogan ka dhacay magaaladaasi, ka dib mooto bajaaj la soo saaray walxaha qarxa, oo ku hor qaraxday saldhig boolis.

Qaraxa ayaa ka dhacay afaafka hore saldhig boolis oo dacalka ku haya Kontoroolka Hareeri Kaadiyow ee magaalada laga soo galo, iyadoo uu qaraxu ahaa mid si weyn looga maqlay magaalada.

Sarkaal Booliska Baydhabo ka tirsan ayaa sheegay in laba nin oo watay mooto bajaajtaasi ay askari ku dhaawaceen kontoroolkaasi, ka hor intii aanay ka baxsan goobtaasi.

“Qaraxa wuxuu ka dhacay kontoroolka gaadiidka lagu baaro ee Hareeri Kaadiyow. Nin askari ah ayaa damcay inuu baaro mooto bajaajta, laakiin laba nin oo mootadii la socotay ayaa si kedis ah toorey ugu dhuftay askarigii, qorigii uu watay ayayna ka fara maroojiyeen, oo ay la carareen, iyagoo goobta uga tagay mooto bajaajtii. Wax rasaas ah iyagoo aan ridin ayay goobta ka baxsadeen, daqiiqado ka dibna mootadii ayaa qaraxday.” Ayuu yiri Sarkaalkan oo codsaday inaanan magaciisa Warbaahinta loo adeegsadan.

Isagoo la hadlayay Dhacdo.com ayuu yiri “Saddex askari ayaa ku dhaawacantay qaraxa, dhaawacyada askartana waxaa loo qaaday isbitaalka.”

Waxa uu intaa ku daray “Kontoroolka Hareeri Kaadiyow waxaa ku dhow saldhig boolis, ma cadda in bartilmaameedkoodu uu ahaa saldhigaasi iyo inay meel kale qaraxa u wadeen, laakiin baaritaan ayaa socdo.”

Qaraxan ayaa ku soo aadaya, xilli Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) uu toddobaadkii hore amray in la adkeeyo ammaanka Magaalada Baydhabo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com