Wiil dhalinyaro ahaa oo lagu dilay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa xalay Magaalada Muqdisho waxa ay ku dileen wiil dhalinyaro ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool Degmada Dharkiinley.

Dilka wiilkaan dhalinyarada ahaa oo loo adeegsaday Bistoolad ayaa wuxuu ka dhacay Xaafadda Dabakaayo Madow ee Degmada Dharkiinley.

Lama oga sababta loo dilay wiilka iyo wax uu ahaa, hayeeshee dad yaqaanay ayaa magaciisa ku sheegay Cabdirisaaq Maxamed Jacfar, isagoo ahaa wiil dhalinyaro ah, waxaana goobta isaga tegay ragii hubeysnaa ee dilkiisa ka dambeeyay.

Ciidamada Booliska Saldhiga Degmada Dharkiinley ayaa tagay goobta dilka uu ka dhacay, waxa ay sameeyeen Baaritaano bilaa natiijo ah.

Degmada Dharkiinley ayaa ka mid Degmooyinka ugu xun marka la fiiriyo ammaanka Degmadaasi & dilalka joogtada ah ee ka dhaca.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com