Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay been abuur laga faafiyay Bankiyada Dalka

Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo ifbaxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bankiyada dalka lagu soo rogi doono cunaqabateyn dhaqaale, ayaa arrrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay.

Bankiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah hay’adda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabateyn amba culays ah oo haysta baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka.

Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bankiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa:

1- In Bankiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.

2- In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay banki ka mid ah Bankiyada dalka.

3- Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur iyo maalgalin ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com