General Ciiro: Shabaab dad dharcad ayay soo geliyeen Baydhabo

Taliyaha Qaybta 60aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, General Maxamed Sheekh Cabdullaahi (Ciiro) ayaa shaaca ka qaaday in Ururka Al Shabaab uu dad dharcad ah soo geliyay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Taliyaha oo Warbaahinta kula hadlayay Magaalada Baydhabo ayaa marka hore ka warbixiyay waxa looga hadlay kulan uu shir guddoominayay Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Isaaq Cali Subag, isla-markaana ay ka qaybgaleen Saraakiisha Ciidamada.

Taliyaha ayaa tilmaamay in la’isku afgartay in laga hortaggo weeraro uu maleygayo Ururka Al Shabaab, si uu ugu carqaaladeeyo doorashooyinka dalka, gaar ahaan midda lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Baydhabo.

“Waxaa la’isku afgartay in laga hortaggo dardar cusub oo cadowga uu waday maalmahaan dambe, oo ay ka wadeen Gobolada Baay, Bakool iyo Shabellooyinka, taasoo ay ugu diyaargaroobayeen inay ku carqaladeeyaan doorashada. Cadowga wuxuu u diyaargaroobay carqaladeynta doorashada ka dhaceysa dalka, gaar ahaan midda Koonfur Galbeed.” Ayuu yiri Taliyaha.

Waxa kaloo uu sheegay in kulanka looga hadlay, sidii looga feejignaan lahaa weerarada ka soo fool leh mintidiinta Al Shabaab, iyadoo markaasi lagu beegsanayo meel kasta oo ay ku diyaargaroobayaan.

“Waxaa la go’aamiyay oo la’isku afgartay in laga hortaggo dhagaraha uu maleygayo cadowga, oo markii horeba uu umadda ku halaagaayay. Sidoo kale waxaa la’isku afgartay in laga feejignaado, lana burburiyo meel kasta oo cadowga ku diyaargaroobaayo.” Ayuu yiri Taliye Ciiro.

Taliye Ciiro ayaa ugu dambeen sheegay in Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama, ay Magaalada Baydhabo soo geliyeen dad dharcad ah, oo iyaga la shaqeeya, waxaase uu hay’adaha ammaanka faray inay si gaar ahi u bartilmaameedsadaan dadkaasi.

Isagoo ka hadlayayna wuxuu yiri “Magaalada Baydhabo waxay u soo direen dad dharcad ah oo iyaga la shaqeeya, oo bulshada ku dhex jira, sidaasi daraadeed ciidamada amniga, gaar ahaan Nabad Suggida iyo Booliska waxaa la farayaa inay si gaar ah u bartilmaameedsadaan, waxaana rajeyneynaa inaan ka guuleysano cadowga.”

Shabaabka oo ka biyo diidan jiritaanka Dowladda Federaalka ayaa looga bartay inay beegsadaan xubnaha ka qayb qaata soo xulista Xildhibaanada Baarlamaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com