Israsaaseyn Ciidamada Somaliya iyo Kenya ku dhex martay xuduuda

Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay ay israsaaseyn Ciidamada Somaliya iyo Kenya ku dhex martay xuduuda degmadaasi la wadaagto Degmada Mandhere ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Israsaaseynta ayaa timid, ka dib markii Ciidanka Kenya ee xuduuda ku sugan ay rasaas ku soo furayn Ciidanka Xoogga Dalka, ee ilaalada ka haya xuduuda Beled Xaawo, halka Ciidanka Xoogga Dalka ay iyana iska caabiyeen.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in iska horimaadka oo ahaa mid kooban, ay labada dhinac isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona ay markii dambe xaaladda ku soo laabatay mid caadiya.

Daahir Aadan Faarax oo ka mid ah waxgaradka reer Beled Xaawo ayaa Dhacdo.com u sheegay in israsaaseyntaasi ay baqdin ku abuurtay dadka deegaanka.

Daahir Aadan ayaa sidoo kale sheegay in xadka labada dal uu muddooyinkii ugu dambeysay noqday furin dagaal, isla-markaana ay shacabka Beled Xaawo iyo Mandheraba noqdeen, kuwo wadnaha farta ku haya.

Waxa uu intaa ku daray, haddii aan la helin xal diblomaasiyadeed oo labada dowladood ah in markaasi xilli kasta la filan karo dagaal ka dhex qarxa labada dal.

Saraakiisha ciidamada ee labada dhinac ayaan weli ka hadlin israsaaseyntan laga soo wariyay xuduuda degmooyinka ood wadaagga ah.

Dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka soo kordhay xadka labada dal ayaa ku soo aadaya, xilli in muddo ahba uu xumaa xiriirka Xukuumadaha Muqdisho & Nairobi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com