Marwada 1aad dalka oo la kulantay Madaxweynaha Uganda (SAWIRRO)

Marwada 1aad ee dalka, Saynab Cabdi Macalin ayaa gelinkii dambe ee Arbacadii gaartay Magaalada Kampala ee Xarunta Wadanka Uganda.

Marwada 1aad ee dalka oo socdaalkan uu ku wehliyo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa Magaalada Kampala kula kulantay Madaxweynaha dalkaasi, Yoweri Museveni.

Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka dalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay in kulanka looga hadlay kor u qaadista xiriirka labada dal.

Saynab Cabdi Macalin iyo Mahdi Maxamed Guuleed ayaa waxaa maanta lagu wadaa inay Magaalada Kampala kaga qaybgalaan furitaanka Warshadda Sonkorta ee Atika, taasoo marqaati u ah xirfadaha ganacsi ee Soomaalida.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com