Sarkaal Shabaab oo meydkiisa lagu jiiday wadooyinka Diinsoor (SAWIRRO)

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa Arbacadii lagu soo bandhigay meydadka laba nin oo ka tirsanaa Ururka Al Shabaab, kuwaa oo mid ka mida uu ahaa Sarkaal.

Labadaan xubnood ayaa ka mid ahaa illaa 19 maleeshiyaad ah, oo maalin ka hor lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay duleedka Degmada Diinsoor.

Dagaalka ayaa yimid, ka dib markii Ciidanka Xoogga Dalka ay ku dhaqaaqeen mid ka mida wadooyinka laga soo galo degmadaasi, oo in muddo ahba ay ka go’doominayeen maleeshiyada Al Shabaab.

Sarkaalka Shabaabka ee la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Nuur Isgoowe ayaa meydkiisa la keenay Degmada Diinsoor, waxaana la arkaayay isagoo meydkiisa lagu jiid jiidaayo wadooyinka degmadaasi.

Meydka Sarkaalkan oo qaybta dambe looga xiray mid ka mida gaadiidka dagaalka ee Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu soo wareejiyay xaafadaha degmadaasi.

Tani ayaa muujineysa carrada xoogga leh leh ee ka dhalatay go’doominta arxandarada leh, ee ay Shabaabku ku hayaan Degmada Diinsoor, oo xilligan wajaheysa xaaladdii ugu darneyd ebid.

Diinsoor waxaa gabaabsi ku ah raashiinka iyo shidaalka, waxaana xusid mudan in goobaha ganacsiga qaarkood ay xirmeyn, ka dib markii ay adkaatay inay degmadaasi yimaadaan gaadiidkii ganacsiga keeni jiray.

Sidoo kale waxaa meesha ka baxay gaari dameeradii, sida qarsoodiga raashiinka ku keeni jiray degmadaasi, waana midda sii adkeysay nolosha dadka reer Diinsoor.

Gudoomiyaha Degmada Diinsoor, Cabdisalaan Xaaji Siidow ayaa Shabaabka ku eedeeyay inay halis geliyeen nolosha bulshada ballaaran ee ku nool degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com