Afar carruur oo ku geeriyootay Qarax ku qabsaday Gobolka Galgaduud

Wararka inaga soo gaaraya Gobolka galgaduud waxa ay sheegayaan in afar carruur ay ku geeriyoodeen Haraadiga xabad hoobiye oo ku aasnayd dhulka hoostiisa.

Dhacdadan ayaa waxa ay ka dhacday deegaanka Bangeele ee Gobolka galgaduud, kadib markii ay ku ciyaariyeen waxyaabaha Qarxa oo sidaasi ay kula qaraxday.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Galmdug, ayaa ka hadlay carruurtaasi geeriyootay & tacsida ay u dirayaan ehelkooda.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta Sare ee Galmudug waxay Tacsi tiiranyo leh u diraysaa Dhamaan Ehelkii & Qaraabadii ay kabbaxeen Afar arday oo uu ku qarxay Gumac Madfac oo ay garaaceen maanta galinkii Dambe Kuna Geeriyooden, Shilku wuxuu ka dhacay magaalada Bangeelle ee Gobolka Galgaduud.”

Magacyada ardayda qaruxu haleelay waxay kala yihiin sidan hoos ku xusan:

1- Cabdullaahi Shugri Maxamed, Fasalka 6aad.
2- Axmed Wali Qorane Nuur Fasalka 4aad.
3- Sharmaake Cabdiqaadir Nuur Cabdille
Faslka 4aad.
4- Kaamil Daroor Maxamed Cali, Fasalka 3aad.

Deegaano & Degmooyin badan oo ka tirsan Gobolada dalka ayaa waxaa yaallo haraadiga waxyaabaha Qarxa oo halis ku ah Nolosha carruur badan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com