Wararka inaga soo gaaraya Gobolada Shabellooyinka waxa ay sheegayaan Ciidamada Danab ee Xoogga dalka Somaliya inay hawlgal qorsheysan ku dileen Sarkaal ka tirsanaa Al Shabaab.
Hawlgalka ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmooyinka Balcad & Afgooye ee Gobolada Shabellaha hoose & Shabellaha dhexe, xarun Shabaab halkaasi ku lahaayeen sida Warbaahinta dowladda laga sheegay.
Saraakiisha Ciidamada Danab ayaa sheegay inay dileen lix nin oo Shabaab ka tirsan, waxaana ku jiray raggaasi Cabdi raxmaan Cabdalla oo ku magac dheeraa (Abuu Ayman).
Sarkaalkaan ayaa waxaa la sheegay in Shabaab uu u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda Gobolada Shabellaha hoose & Shabellaha Dhexe.
Intii uu socday hawlgalka ayaa Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka ee Danab, waxa ay sheegeen inay soo saareen Miinooyin Al shabaab ay ku aaseen wadada, si ciidamada loogu dhibaateeyo.
Saraakiisha Ciidamada Danab ma aysan soo bandhigin cadeymo kale oo muujinaya inay dileen Sarkaalkaasi, marka laga soo tago Warbaahinta dowladda inay ka sheegeen Warkaasi.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com