Golaha Shacabka oo maanta codka kalsoonida u qaadaya Xukuumadda cusub

Sida qorshaha uu yahay maanta oo sabti ah Xildhibaanada Golaha Shacabka Somaliya, ayaa lagu wadaa inay codka kalsoonida u qaadaan Xukuumadda cusub.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa loo sheegay inay soo xaadiraan kulanka maanta si codka ay u siiyaan ama ay ugu diidaan Xukuumadda cusub ee Ra’iisul wasaare Rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale lagu wadaa in Golaha Shacabka uu soo hor dhigo Barnaamijka ay ku shaqeyn doonto Xukuumadda cusub, haddii codka kalsoonida Golaha ay helaan.

Maalmihii lasoo dhaafay Golaha Wasiirada magacaaban ee Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa kulamo la qaadanayay qaar kamid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyagoona ka dalbanayay inay codka kalsoonida ah siiyaan, lana shaqeeyaan.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xildhibaanada Golaha Shacabka ka codsaday inay Codka kasoonida ah siiyaan Golaha Cusub, isagoona u rajeeyay in Codsigiisa la fulin doono, isla markaana  la ansixin doono xubnaha magacaaban.

Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa markii la ansixiyo waxaa horyaalla shaqooyin dhowr ah oo laga sugayo inay qeybtan,  waxaana qeyb ka tahay dardar-gelinta Arrimaha Doorashada dalka ee 2020/2021 , iyagoona heysta muddo kooban, maadaama muddo xileedka Madaxda dowladda uu  waqti yar ka harsan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com