Madaxweynaha Somaliya oo dalacsiiyay Saraakiil ciidan

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dalacsiiyay Saraakiil iyo Saraakiil Xigeeno ka tirsan Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Somaliya ayaa xeer uu soo saaray ku dalacsiiyay Saraakiishan, oo loo kala dalacsiiyay darajooyinka Gaashaanle Sare, Dhamme, Laba Xidigle iyo Xidigle.

Xeerkan lagu dalacsiiyay Saraakiishan waxaa caawa lagu faafiyay warqad ka soo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com