Nin Oday ahaa oo lagu toogtay Muqdisho

Dabley hubaysan ayaa xalay fiidkii Degmada Dayniile ee Gobolkaan banaadir waxa ay ku toogteen nin Oday ahaa oo dadka deegaanka ka tirsanaa.

Dilka ayaa wuxuu ka dhacay Xaafad lagu magacaabo Kurdamac oo ka tirsan Degmada Dayniile, si gaar ahna Garaash Odayga la dilay uu iska lahaa.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Xuseen Sheekh Muxumad (Sandheer), sida ay inoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xilliga falka dilka uu dhacaayay ayaa waxas la sheegay Marxuum Sandheere inuu wayso qaadanaayay, islamarkaana laba nin oo hubaysan ay dul yimaadeen oo rasaas ay ku fureen.

Odayga da’da ahaa ee xalay dableyda hubaysan ay dileen, ayaanan la ogeyn sababta ka dambeysa dilkiisa, balse goobta waxaa tagay Ciidamada Booliska Dayniile oo ka qaaday halkaasi maydka Marxuumka.

Dilalka qorsheysan ayaa si joogto ah uga dhaca Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay gaystaan Kooxaha hubaysan.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com