Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay kulankii ugu horeeyay ee ay yeeshaan xubnaha Golaha Wasiirada ee maanta la dhaariyay.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray, sidii loo dardargelin lahaa shaqooyinka horyaala Golaha Wasiirada iyo xoojinta wada shaqaynta dhexdooda ah, si loogu guuleysto ka miro dhalinta qorshaha xukumadda ee ku salaysan ku u adeeggidda bulshadda iyo sareysta sharciga .
Ra’iisal Wasaaraha ayaa kula dardaarmay Golaha Xukuumadda in si dhaqsi ah ay shaqooyinkooda u guda galaan, xilalkana ula wareegaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray, loona fuliyo qodobadii ku jiray barnaamijka Xukuumadda ee Baarlamaanku ansixiyay.
“Waxaa Alle mahadii ah inaan yeelanay kulankii ugu horeeyay, kadib markii maanta la dhaariyay Golaha cusub, waxaana idin rajeynayaa inaad xilalka si deg deg ah ula wareegtaan, si looga faa’iideysto waqtiga haray.” Ayuu yiri Rooble.





Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com