Wasiirka Arrimaha Gudaha oo la kulmay Saraakiisha Booliska (SAWIRRO)

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliya, General Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed.

Qadada ayaa ka dhacday Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska ee General Maxamed Abshir Muuse, iyadoo Saraakiishu ay Xarunta ku Soo dhaweeyeen Wasiirka oo ay la socdeen Wasiirada Amniga Gudaha (Mudane, Xasan Xundubeey) iyo Cadaalada G/Sare Cabdulkadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Gudoomiyaha Xarunta Barbaarinta S/Guuto Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) oo ugu horay hadal ka qaatay, ayaa ku Soo dhaweeyay waftiga oo isugu jiray Wasiiro iyo Xildhibaano, iyada oo loo mahadciyay Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha oo lahaa hal-abuurka iyo fulinta dhagaxdhiga Xaruntaan.

Sidoo kale, Taliyaha Ciidanka Boliiska oo isna joobta joogay ayaa Soo dhaweeyay, una mahadceliyay Wasiirka. Intaa kadib, ayeey carruurtu Soo bandhigeen fankooda, waxaana markiiba loo dhaqaaqay in waftiga lagu Soo warejiyo qeybaha, hooyga, waxbarashada iyo dhamaan laamaha haqab tirka Xarunta Barbaarinta caruurta.

Ugu dambeen Wasiirada Amniga iyo Arrimaha Gudaha ayaa goobta ka balanqaaday dhismeyaal ay jeebkooda ka bixinayaan oo si mutadawacnimo ah loogu kordhinayo Xarunta, Sida dhisme guryo iyo qeybo kale oo mihiim ah.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com